Xusuustii xaaji axmad juuni

Dhibaatada dagaalka sokeeye keenay waxaa ka
mid ah in la iloobay waxay dadka Soomaaliyeed
isu ahaan jireen, wanaagay isu geli jireen iyo siday
wax u wadaagi jireen. Dhanka kale, Waxaan weli la
iloobin godobtii belaha soomaaliyeed kala galeen
dagaalka sokeeye dhexdiisa. Waxaad marar badan
maqleysaa: Ma reer hebel baa wanaag naga
dhexeeyaa! Ma reer hebel baan aamina! Way, bal
ani iyo reer hebel day! iwm. La yaab ma leh oo
miisaanka hadda wax lagu xukumayaa waa mid ku
saleeysan wayaa’argnimadii foosha xumayd ee
laga dhaxlay dagaalka sokeeye.
Haddaba, Soomaalidu sidaas ma ahaan jirin.
Waxaa jirey dad soomaali ah oo bulshaweeynta
soomaaliyeed isugu mid tahay iyagoo aan u firiin
qabiil iyo qaraabo hoose. Dadkaas fiican waxaa ka
mid ahaa Alla u naxariistee, jannadiina haka
waraabiyeee, Xaaji Axmad Juuni oo runtii ahaa
bulsho koriye, samafale, deeqsi ku darsaday dul,
degganaansho iyo dabci wanaag.
Xaajiku, intii taqaan baa taaqaane, wuxuu
makhaayad ku laha shineema Banaadir
agagaarkeeda. Waa makhaayaddii korisey
dhalinyaro badan oo arday ah oo magaalada
Xamar u imaan jirey waxbarasho sanooyonkii
kontomeedyadii iyo lixdamedyadii. Waxaan ka
hadlayaa ma aha hal iyo labo ee waa boqollaal
dhalinyaro ah oo waxbarasho ugu soo socdaali
jirtey Xamar ka dib markay dhameeystaan
waxbarashada Dugsiga Hoose. Waxaa xusid mudan
in waayahaas Xamar loo soo aadi jirey
waxbarashada laga bilaabo heerka dugsiga dhexe.
Xaaji Axmad Juuni wuxuu ka soo jeeday beesha
Abgaal. Haseahaate, dhalinyarada uu koriyey oo
lacagtiisa wax ku baratay waxay ahaayeen badi
kuwo ka yimid gobollada Mudug iyo gobolkii la oran
jirey Majerteenya, badina waxay ka soo jeedeen
beesha Daarood, siiba Majeerteen. Waxaa hubaal
ah in dhalinyaradaasi ayan wadi kareen
wabarashadooda, gaari kareenna horumarkay
hiigsanayeen hadduusan ahayn, Allaha u
naxariistee , Xaaji Axmad Juuni , oo u oggolaaday
inay makhaayaddiisa deyn ku cunaan. Aan isa
saxo, deeyn ma ahayn ee waxay ahayd deeq
waxbarasho iyo daryeel bulsho. Wadamada
horumaray, sida dalkaan Kanada, ayaa ardadooda
siiya deyn ay wax ku bartaan laakiin deyntoodu
waa mid dulsaar iyo dabagal la socdaan. Deynta
Xaaji Juunise dulsaarna ma lahayn dabagal iyo
dacwadna ma lahayn. Markii wax la helo iyo sidii
wax loo helo ayaa wax loo bixin jirey. Waxaa igu
maqaala in dadka qaarkood ay caruurtoodii bixiyey
deyntii ay qabeen.
Anigu xiriir gaar ah ayaan la lahaa Xaajiga qof
ahaan iyo qoys ahaanba. Aabahay iyo Xaajiga ayaa
yaraantii is macruuf ahaa oo ka wada shaqeeyn
jirey kawaan Xamarweyne ku yiil xilligii Fashiistada
Talyaaniga. Sanadkii 1959kii Ayaan ka soo
wareegay magaalada Garoowe, una imid
magaalada Xamar waxbarashada dugsiga dhexe
“Scuola Media Inferiore”. Nasiib wanaag waxaan
durbadiiba ku biiray dhalinyaradii tirada badnayd oo
ku tiirsanayd makhaayadda Xaaji Juuni Allaha u
naxariistee. Waxaa Xaajiga ii geyey nin aan ilma
adeer nahay Fiqi Bashiir Cabdulle Cismaan anigoo
yaaban oo kistii jiscinka ahaydna iga idlaatay.
Bashiir isagu horey ayuu ugu qornaa makhaayadda.
Sidii caadada u ahayd, wuxuu Xaajigu igu soo
dhaweeyey waji furan iyo niyad san. Weli waan
xusuustaa. Waxay ahayd galab casar gaab.
Xaajigu, isagoo dhollacadeeynaya, ayuu yiri” cun,
buugaanna xisaab ku qor, Nabadey.
Sidaan kor ku xusay, deeynta Xaajigu ma ahayn
mid aan bil kasta bixinayo. Maya, sidaas ma
ahayn, mana loogu talagelin. Waxay ahayd xisaab
furan oo xilligii aan wax helo wax bixinayo ama bil
ha noqoto ama sanad ha noqoto ama sanooyin ha
qaadato. Waxaa moodaa in Xaajigu aniga iyo
dhalinyarada kaleba lahaa: war wax barta, wax
noqda, deyntu iyadaa isbixin doontee. Waayihii
dambe, kol kol ayaa Xaajigu Bankiga igu soo mari
jirey. Waxaan in badan ka maqli jirey isagoo leh
”lacagtaan cidda ii soo dirtay garan maayo”. Yaa
kale, waxaa u soo diray dhalinyaradii uu koriyey oo
wax noqotay.
Afar sano ayaan cunayey makhaayadda Xaaji
Axmad Juuni ilaa aan shaqo ka helo Bankiga
Dhexe ee soomaaliyeed. Muddadaas, weligay ma
arag Xaajiga oo qof ku qaylinaya, ama hiifaya ama
hadal xun u celinaya. Xishood iyo xurmo ayaa
dhaqan u ahaa. Waxaa dhacday in sanad iyo in ka
badan aanan Xaajiga wax lacag ah siin. Iyadoo
xaaladdu sidaas tahay ayaa haddana walaalkay Dr.
Axmad Dalmar igu soo biiray. Xaajigu, Allaha u
naxariistee, yah iyo yuh midna ma dhihin, timirtii
horeba dab loo waa ma dhihin. Sidii looga bartay,
walaalkayna qalbi iyo waji furan ayuu ku soo
dhaweeyey. Intaas waxaa ii sii dheeraa, waxaan
Xaajiga ka shaxaadi jirey kharashyada yar yar sida
jariinka iwm. Bal u fiirso, isagoo intaas oo deyn ah
igu leh ayaan haddana lacag caddaan ah ka
qaadan jirey. Markii aan shaqada helay, Xaajigu
wuxuu igu lahaa lacag dhan 2000 shilin oo aan
deg deg u bixiyey. Labada kun shilin ee wagaas ma
ahayn labada kun shilin ee manta oo, sidaan
maqlay, aan dariiqa laga qaadan hadday dhulka ku
dhacd oo masaakiintu diido. Labada kunoo Shilin
ee wagaas waxay ahayd lacag aad u badan oo
qiimo leh. Haddaan ra’yi idinka siiyo waxay ahayd
biilkii aan cunayey 13 bilood (150 shilin bishii).
Haddaanan shaqada helinna deeyntu waa iska
socon lahayd.
Maxaan u xusayaa Allaha u naxariiste Xaaji Axmad
Juuni ? Marka hore, waxaan u xusayaa, wuxuu aha
shakhsiyad qaali ah oo taariikhi ah oo mudan in la
xuso oo la qadariyo oo abaal ku leh dad badan oo
Soomaaliyeed oo aan anigu ka mid ahay.. Waxaan
mararka qaarkood arkaa ama maqlaa qof la
guddonsiinayo billad ama shahaado sharaf ka dib
markuu ka qaybqaatay mashruuc samafaleed. Xaaji
Axmad Juuni isagu rubuc qarni (in ka badan 25
sano) ayuu ardo Soomaaliyeed taakuleeynayey
isagoo aan cidna ka sugeeyn abaal marin iyo
aqoonsi.
Midda kale, waxaan xusuusinayaa bulshada
soomaaliyeed in dadka Soomaaliyeed walaalo
ahaayeen intaan la waalan.Bal u fiirso, Xaaji Juuni
ma habysan jirin ardada qabiilkooda, ma oran jiren
reer hebel xaggee isa soo galeen sida hadda la
yiraahdo. Wuxuu arkay ardo soomaaliyeed oo
mustaqbal leh, wuxuuna u soo dhaweeyey si
walaaltinnimo, gacalnimo iyo Soomaalinimo ku
dheehan tahay. Waxaa dhici karta inay jogeen
magaalada dad la hayb ah dhalinyaradaas oo
weliba madax ah oo haddana albaabada ka xirtay.
Gabagabadii, waxaan Eebbe ka baryayaa inuu u
naxariisto Xaaji Axmad Juuni Jannatul firdowsana
ka waraabiyo, warasadiisiina baraariyo oo
badbaadiyo. Aamiin

Standard